Ciidamada DF oo qabsadey deegaan fariisin u ahaa Al-shabaab

Image

March 10, 2015 (GO)- Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qabsadey fariisin ciidan oo kooxda Al-shabaab ku lahayd tuulada Cali-guduud oo hoos tagta degamda Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Iska hor imaad muddo kooban socdey ayaa lagu soo waramayaa inuu goobta ka dhacay waxaana ku dhintey saddex qof oo labada dhinac ka kala tirsanaa.

Xaaladda ayaa saaka ah mid deggen waxaana si buuxda deegaankaas xilligan gacanta ugu haya ciidamada dowladda.

Tuulada Cali-guduud waxaa in muddo ah Al-shabaab u taaley bar kantarool oo lacago cashuur ah ay kaga qaadi jireen gaadiidka xammuulka ee u kala gooshaya Muqdisho iyo gobollada dhexe.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa ka socda Midowga Africa ee AMISOM  ayaa Al-shabaab ka saarey in ka badan 80% deegaanadii ay koonfurta Soomaaliya kaga sugneyd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM