Ciidamada dowlada iyo Ahlu Suna oo ku dagaalamay Guriceel

Image

February 10, 2015 (GO)- Iska hor imaad u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka iyo mileeshiyaad ka tirsan Ahlu Sunna ayaa saaka ka dhacay duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Dagaalka oo sida lagu soo warmayo aad u cuslaa wuxuu bilowday kadib markii mileeshiyaadka Ahlusunna soo weerareen fariisin ciidamada dowalda ku leeyihiin duleedka Guriceel.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo dagaalka  balse wararka hordhaca ah ayaa sheegay in uu jiro khasaare labada dhinac soo kala gaarey.

Labo bilood kahor ayey ahayd markii sidan oo kale ciidamada Dowlada Federaalka iyo mileeshiyaadka Ahlu Sunna ugu dagaalameen isla degmada Guriceel.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli maanta oo Talaado ah lagu wado in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tago degmada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM