Ciidamada dowlada iyo Ahlu Suna oo ku dagaalamay Guriceel

Image

February 10, 2015 (GO)- Iska hor imaad u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka iyo mileeshiyaad ka tirsan Ahlu Sunna ayaa saaka ka dhacay duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Dagaalka oo sida lagu soo warmayo aad u cuslaa wuxuu bilowday kadib markii mileeshiyaadka Ahlusunna soo weerareen fariisin ciidamada dowalda ku leeyihiin duleedka Guriceel.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo dagaalka  balse wararka hordhaca ah ayaa sheegay in uu jiro khasaare labada dhinac soo kala gaarey.

Labo bilood kahor ayey ahayd markii sidan oo kale ciidamada Dowlada Federaalka iyo mileeshiyaadka Ahlu Sunna ugu dagaalameen isla degmada Guriceel.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli maanta oo Talaado ah lagu wado in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tago degmada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Duqeyn Ka Fuliyey Buuraleyda Calmiskaad ee Puntland

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sanadkan weeraro ka fulisay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    07-10-2025

  • 01:42PM

Jubaland oo Mahadnaq U Jeedisay Kenya Doorkeeda Dhex-dhexaadinta Wadahadallada Dowladda Federaalka

Falanqeeyeyaasha siyaasadeed ayaa tilmaamaya in tallaabadani ay astaan u noqon karto kalsooni darro taagan.

  • Soomaliya

    07-10-2025

  • 05:30AM