Ciidamada DFS iyo Al-shabaab oo duleedka Baydhabo ku dagaalamay

Image

November 13, 2014 (GO)- Kooxo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay fiidkii weerar kusoo qaaday fariisin ciidamada Dowlada Federaalku ku leeyihiin deegaanka Maaya-Fuulka oo u ku yaalla inta u dhexeysa Baydhabo iyo Daynuunaay.

Sida lagu soo waramayo dagaal muddo saacad ka badan socdey islamarkaana labada dhinac khasaare kasoo gaarey ayaa halkaas ka dhacay. 

Saraakiisha ciidamada dowladda oo dagaalka xalay dhacay si kooban uga warbixiyey waxay sheegay inay iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday ugu yaraan todoba qofna ka dileen.

Dhanka kale gelinkii dambe ee shalay dagaal kale ayaa Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhex maray tuulada Goof-guduud  Shabeelow oo 20km degmada Baydhabo u jirta.

Dagaaladan ayaa kusoo aadaya xilli uu gaba gabo ku dhow yahay shirka dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Baydhabo ka socda.

Al-shabaab oo bishii September ee lasoo dhaafay la diley hogaamiyehoodii hore, waxay todobaadyadii u dambeeyey kordhisey weerarada ay ka geysanayo magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM