Ciidamada DFS iyo Al-shabaab oo duleedka Baydhabo ku dagaalamay

Image

November 13, 2014 (GO)- Kooxo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay fiidkii weerar kusoo qaaday fariisin ciidamada Dowlada Federaalku ku leeyihiin deegaanka Maaya-Fuulka oo u ku yaalla inta u dhexeysa Baydhabo iyo Daynuunaay.

Sida lagu soo waramayo dagaal muddo saacad ka badan socdey islamarkaana labada dhinac khasaare kasoo gaarey ayaa halkaas ka dhacay. 

Saraakiisha ciidamada dowladda oo dagaalka xalay dhacay si kooban uga warbixiyey waxay sheegay inay iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday ugu yaraan todoba qofna ka dileen.

Dhanka kale gelinkii dambe ee shalay dagaal kale ayaa Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhex maray tuulada Goof-guduud  Shabeelow oo 20km degmada Baydhabo u jirta.

Dagaaladan ayaa kusoo aadaya xilli uu gaba gabo ku dhow yahay shirka dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Baydhabo ka socda.

Al-shabaab oo bishii September ee lasoo dhaafay la diley hogaamiyehoodii hore, waxay todobaadyadii u dambeeyey kordhisey weerarada ay ka geysanayo magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM