Ciidamada dowlada Federaalka oo laga qabsadey Guraceel

Image

DHUUSEMAREEB, Feb 10,2015 [GO]- Dagaal saaka aroortii degmada Guraceel kusoo qaadeen dagaalyahanada ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca fariisamaha ciidamada dowlada Federaalka ah ku leeyihiin halkaas ayaa wararka kasoo baxayaa sheegayaan iney ku dhimatey dad gaaraya 12 qof.

Maleeshiyaadka ururkaas ayaa waxaa u suurtagashay iney degmadaas ka qabsadaan ciidamada dowlada Federaalka xillli uu maanta magaalada Dhuusemareeb booqasho ku yimid madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Wararka ka imaanaya dagaalkaan ayaa sidoo kale sheegaya in dhaawaca gaarayo 30 qof sida laga xigtey afhayeen u hadley Isbitaalka Istarliin.

Dagaalkaan ayaa salka ku haya gacan ku haynta gobolka Galgaduud kaasoo la damacsan yahay in dhowaan laga dhiso maamul goboleed ay yeeshaan gobolada dhexe ee Somalia.

Dhinacyada ku kala magacaaban ciidamada dowlada Federaalka iyo ururka Ahlu Sunah Wal Jmacaa ayaa kasoo wada jeeda qabaa'ilka degaanka dagan iyadoo khilaafka u dhexeeya uu yahay mid siyaasdeed.

Ururka Ahlu Sunnah Wal Jamaaca oo gobolada dhexe kula dagaalmi jirey ururka al-Shabab ayaa waxaa siyaasiyan soo kala dhexgaley khilaaf sababey in awoodoodiisa ciidan wiiqanto.

Magaalada Dhusamareeb oo ah xarunta gobolka Galkagaduud ayaa waxey saldhigii ugu weyn u aheyd ururka Ahlu Sunah Wal Jamaca halakasoo ay kula dagaalami jireen ururka Al-Shabaab.

Siyaasiyiinta gobolka Galkagaduud oo rajo ka qaba iney madaxweynayaal ka noqdaan maamul goboleedkaan ayaa qayb ka ah dagaalada u dhexeeya labada dhinac.

Madaxweynaha Somalia ayaa booqashada uu ku tagey maanta Dhuuse mareeb ayaa waxey salka ku haysaa tageerada in maamul goboleed laga dhiso goboladaas.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM