Ciidamada dowlada Federaalka oo laga qabsadey Guraceel

Image

DHUUSEMAREEB, Feb 10,2015 [GO]- Dagaal saaka aroortii degmada Guraceel kusoo qaadeen dagaalyahanada ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca fariisamaha ciidamada dowlada Federaalka ah ku leeyihiin halkaas ayaa wararka kasoo baxayaa sheegayaan iney ku dhimatey dad gaaraya 12 qof.

Maleeshiyaadka ururkaas ayaa waxaa u suurtagashay iney degmadaas ka qabsadaan ciidamada dowlada Federaalka xillli uu maanta magaalada Dhuusemareeb booqasho ku yimid madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Wararka ka imaanaya dagaalkaan ayaa sidoo kale sheegaya in dhaawaca gaarayo 30 qof sida laga xigtey afhayeen u hadley Isbitaalka Istarliin.

Dagaalkaan ayaa salka ku haya gacan ku haynta gobolka Galgaduud kaasoo la damacsan yahay in dhowaan laga dhiso maamul goboleed ay yeeshaan gobolada dhexe ee Somalia.

Dhinacyada ku kala magacaaban ciidamada dowlada Federaalka iyo ururka Ahlu Sunah Wal Jmacaa ayaa kasoo wada jeeda qabaa'ilka degaanka dagan iyadoo khilaafka u dhexeeya uu yahay mid siyaasdeed.

Ururka Ahlu Sunnah Wal Jamaaca oo gobolada dhexe kula dagaalmi jirey ururka al-Shabab ayaa waxaa siyaasiyan soo kala dhexgaley khilaaf sababey in awoodoodiisa ciidan wiiqanto.

Magaalada Dhusamareeb oo ah xarunta gobolka Galkagaduud ayaa waxey saldhigii ugu weyn u aheyd ururka Ahlu Sunah Wal Jamaca halakasoo ay kula dagaalami jireen ururka Al-Shabaab.

Siyaasiyiinta gobolka Galkagaduud oo rajo ka qaba iney madaxweynayaal ka noqdaan maamul goboleedkaan ayaa qayb ka ah dagaalada u dhexeeya labada dhinac.

Madaxweynaha Somalia ayaa booqashada uu ku tagey maanta Dhuuse mareeb ayaa waxey salka ku haysaa tageerada in maamul goboleed laga dhiso goboladaas.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM