Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo la wareegey Tooratoorow

Image

June 2, 2015 (GO)- Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa goor hore oo saaka ah la wareegey deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo horay kooxda Al-shabaab gacanta ugu haysey.

Ciidamada is-garabsanaya ayaa si nabad ah halkaas ku gaarey, kadib markii Al-shabaab saqdii dhexe ee xalay deegaankaas banneysey.

Degmada Sablaale ayaa noqoneysa tan kaliya ee ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ee xilligan ku jirta gacanta Al-shabaab, balse saraakiisha hoggaaminaya ciidamada dowladda ayaa sheegay inay dhowaan halkaas u ruuqaansan doonaan.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Al-shabab soo weerartey islamarkaana muddo kooban la wareegtey deegaannada Aw-dheegle iyo Mubaarak oo ka tirsan isla gobolka Shabeellada Hosoe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM