Ciidamada dowladda oo dagaal kula wareegay deegaano katirsan Jubbada hoose

Image

23 December, 2015(GO)-Dagaallo qaraar oo dhexmaray ciidamada dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa u suurto gashay inay la wareegaan deegaano katirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa la wareegay deegaan lagu magacaabo Beerxaani oo ilaa 80km dhinaca Galbeed kaxiga magalada Kismayo xarunta gobolkaasi.

Lama sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka labada dhinac balse goob joogayaal ku sugan deegaankas ayaa warbaahinta u xaqiijiyay la wareegitaanka ciidanka dowladda Somalia.

Goob joogayaasha ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac balse aysan hayn xaqiiqada.

Ciidamada ayaa sidoo kale weerar ka gaystay deegaan lagu magacaabo Quddus oo isla gobolka katirsan, waxayna fariisin u ahaayeen mallayshiyaad katirsan ururka Al-Shabaab.

Dowladda Somalia oo kaashanaysa ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa wada dagaallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, waxayna gacanta ku dhigtay deegaano ka tirsan dhawr gobolka oo gacanta ugu jira ururkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM