Ciidamada dowladda Somalia iyo Shabaab ku dagaallamay gobolka Baay

Image

10 Decemeber, 2015(GO)-Kolonyo gawaari la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Somalia waxaa saaka jidka u galay mallayshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, waxaana ka dhashay dagaal sababay khasaaro dhawac iyo dhimasho isugu jira.

Dagaalkan ayaa ka dhacay tuulo lagu magacaabo Loon oo ka tirsan degmada Diinsoor ee gobolka Baay.Waxaana wararka aan helayno sheegayaan inay dhinteen saddex ka tirsan ciidanka dowladda, halka khasaaro aan la xaqiijin soo gaaray Al-Shabaab.

Goob joogayaal ku sugan degmada Diinsoor ayaa sheegaya in dagaalkaasi ciidanka dowladda looga furtay qoryaha fud fudud ee loo yaqaano AK47, balse saraakiisha ciidamadu ma shaacin waxayna tilmaameen inuu ahaa weerar gaadmo ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ku gaado ciidamada dowladda Somalia iyo AMISOM ee ku sugan Koonfurta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM