​Ciidamada dowladda Somalia oo dib ula wareegay Ceel Waaq

Image

CEEL WAAQ, Somalia- Ciidamada dowladda Somalia ayaa Saakay oo Sabti ah dib ula wareegay degmada Ceel-Waaq, ee gobolka Gedo oo shalay gelinkii danbe ay qabsadeen dagaalyahanada kooxda Al shabaab.

Wararka Warsidiha GO ka helayo Gedo, ayaa sheegaya in ciidamada ay si nabad ah kula wareegay gacanta ku haynta Ceel-Waaq, kadib markii maleeshiyada Al shabaab isaga baxday saqdii dhexe ee xalay.

Daafaha iyo gudaha magaalada ayaa waxaa lagu arkay meydadka askar katirsan ciidamada dowladda, kuwaasi oo ku dhintay dagaalkii shalay, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Saddex gaari oo nooca dagaalka ah ayay sheegeen Al shabaab inay ka qaateen saldhiga  ciidamada dowladda, sidoo kalena ay nolosha ku qabsadeen dhowr Askari.

Al Shabaab ayaa Ceel-Waaq ku qabsaday weerar dhiig badan uu ku daatey, oo shalay gelinkii danbe ku qaadeen saldhigyada ciidamada militariga dowladda federaalka ah ee Somalia.

Askar badan, oo uu ku jiro Taliyihii militariga Ceel-Waaq, Col Aadan Koronto iyo ku xigeenkiisa ayaa la xaqiijiyay inay Al shabaab ku dileen gudaha saldhigooda ku yaalla Ceel Waaq.

Afhayeenka ciidamada dowladda ee gobolka Gedo, Col. Warfaa Sheikh Aadan, ayaa VOA u sheegay in dagaalkaasi mallayshiyaadka Al Shabaab kula wareegeen saldhigooda islamarkaana magaalada kusoo galeen qaab xirfadaysan.

Wuxuu sheegay inay kusoo weerareen hubkii iyo gadiidkii ay ku qabsadeen dagaalkii ka dhacay Ceelcadde islamarkanaa soo kaxaysteen baabuur waaweyn oo ay ku qorantahay magaca AMISOM, iyagoo ka yimid jihada ay ciidamadaasi horay uga imaan jireen.

Afhayeenka ayaa intaasi raaciyay inaysan ciidamadan helin wax xuquuq ah ilaa 2011 oo ay shaqada halkaasi ka bilaabeen.

Maleeshiyada Al shabaab ee isaga baxday Ceel Waaq ayaa u ruqaansaday dhanka deegaanka Ceel-adde, oo Bishii January 15, 2016 ay ka qabsadeen ciidamada Kenya, kadib weerar askar badan ku dileen.

Degmada Ceel Waaq oo ku dhaw xadka Kenya, waxaa Al shabaab laga saarey 2011, waxayna ahayd degmadii ugu horeysay oo ciidamada Kenya qabsadeen markii ay soo galeen dalka Somalia, October, 2011.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM