Ciidamada Ethiopia ee qaybta ka ah AMISOM oo imaanaya Jubaland

Image

December 18, 2014 (GO)- Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa la qorsheeyey in la geeyo qaybo kamid ah gobollada Jubbooyinka.

Qorshaha ciidanka Ethiopia  lagu geynayo Jubooyinka waxaa lagu sababeeyay laba arrimood oo kala ah:  inay bedelaan ciidamada Sera Leone ee joogey Jubbooyinka oo dhowaan dalka ka baxaya iyo weliba inay la dagaalamaan Al-shabaab oo awoodeeda gobolladaas isugu keentay.

Madaxweynaha maamulka Jubaland oo booqasho labo todobaad qaadatay dhowaan ku tegey dalka Ethiopia ayaa wasiirka arimaha dibadda Ethiopia lasoo saxiixday heshiis ku saabsan ciidamada la filayo inay dhowaan dalkaas ka yimaadaan, sidoo kale taliska guud ee AMISOM ayaa ogolaaday qorshahan.

Hawlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee loogu magac daray xoreynta bad iyo bari oo ay bilo kahor bilaabeen ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa Kenya oo is garabsanaya ayaan wax horumar ah oo balaaran laga sameyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM