Ciidamada Ethiopia oo ka baxey degmada Tayeeglow, Al Shabaab oo la wareegtey

Image

TIYEEGLOW, Somalia -Al Shabaab ayaa saakay dib ula wareegay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, kadib markii ay ciidamada Ethiopia faaruqiyeen saldhigyadooda military habeenimadii xalay.

Ciidamada Ethiopia ayaa sidoo kale waxaa u  qorsheysan inay ka baxaan dhowr degmo oo kale sida , Waajid, Ceelbuur iyo Baardheere, oo kuwasoo ku yaala gobolada Bakool, Galgaduud iyo Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in boqolaal Askari oo Soomaali ah, oo ku sugnaa degmada Tiyeeglow markii ciidamada Ethiopia ka guureen saldhig-yadooda, iyaguna ka baxeen degmada.   

Ciidamada Ethiopia ee ka baxay Tiyeeglow ayaa gaarey degmada Xudur, ee xarunta gobolka Bakool.Degmada Tayeegloow ayaa gacanta dowladda ku jirtay mudo ku dhaw Labo sanadood. 

Dadka deegaanka ayaa aad walaac uga muujiyay soo dib ugu soo noqoshada degmada ee  Kooxda Al shabaab kuwasoo inta badan dilal u geysta shacabka markii ay magaalo dib ula wareegaan.

Dhinaca kal saraakiisha ciidamada dowladda iyo tababarayaal ajnabi oo ku sugnaa Tiyeeglow iyo Waajid ayaa lagu soo qaadey Diyaarado Helicopters ah oo dhanka Baydhobo keeney.

Bixitaanka ciidamada Ethiopia ee degmooyinkaan ayaa ku soo beegmeysa xilli dalka Somalia dhowaan galayo doorashooyin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM