Ciidamada huwanta oo dib uga baxay degmada Baraawe

Image

October 5, 2014 (GO)- Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ayaa sheegaya in magaaladaas ay dib uga baxeen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM oo la wareegey goor hore oo maanta ah.

Ciidamada huwanta ayaa sida wararka lagu helayo fariisimo ka samaystay duleedka magaalada kadib markii saraakiisha ciidanka hoggaaminayaa la kulmeen waxgaradka iyo odayaasha degmada.

Sheekh Maxamed Aadan Fiqi oo kamid ah odayaasha Baraawe ayaa idaacadda VOA u sheegay in ciidamada ka codsadeen inay magaalada bannaanka uga baxaan sidaas darteedna dib ugu noqdeen.

Al-shabab oo labo maalmood kahor faaruqiyey Baraawe oo ahayd xaruntoodii ugu dambeysey, waxay bulshada uga digeen inaysan la macaamilin ciidamada ciddii amarkaas jebisana ciqaab adag la marsiin doono.

Xaaladda Baraawe ayaa xiligan ah mid degen inkastoo dadweynaha ku dhaqani cabsi xooggan ka qabaan in lagu kor dagaalamo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM