Ciidamada huwanta oo dib uga baxay degmada Baraawe

Image

October 5, 2014 (GO)- Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ayaa sheegaya in magaaladaas ay dib uga baxeen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM oo la wareegey goor hore oo maanta ah.

Ciidamada huwanta ayaa sida wararka lagu helayo fariisimo ka samaystay duleedka magaalada kadib markii saraakiisha ciidanka hoggaaminayaa la kulmeen waxgaradka iyo odayaasha degmada.

Sheekh Maxamed Aadan Fiqi oo kamid ah odayaasha Baraawe ayaa idaacadda VOA u sheegay in ciidamada ka codsadeen inay magaalada bannaanka uga baxaan sidaas darteedna dib ugu noqdeen.

Al-shabab oo labo maalmood kahor faaruqiyey Baraawe oo ahayd xaruntoodii ugu dambeysey, waxay bulshada uga digeen inaysan la macaamilin ciidamada ciddii amarkaas jebisana ciqaab adag la marsiin doono.

Xaaladda Baraawe ayaa xiligan ah mid degen inkastoo dadweynaha ku dhaqani cabsi xooggan ka qabaan in lagu kor dagaalamo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM