Ciidamada Jubaland iyo AMISOM oo la wareegey Buulo Guduud

Image

October 6, 2014 (GO)- Ciidamada Maamulka Jubaland iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegey deegaanka Buulo Guduud ee gobolka Jubbada Hoose oo magaalada Kismaayo 30-km dhanka waqooyiga ka xigta.

Ciidamadan oo watey dabaabado iyo gaadiidka kale ee dagaalku goor hore oo maanta ah ayey ka ruuqaansadeen dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland.

Sida wararka lagu helayo ma jirto wax iska caabin ah oo ciidamadaasi la kulmeen maadaama  Al-shabab markii ay ka warheleen in duulaan lagu soo yahay halkaas isaga baxeen una jiheysteen dhanka degmada Jamaame.

Af-hayeenka Jubaland Cabdinaasir Seeraar oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in Al-shabab lagala wareegey Buulo Guduud, wuxuuna intaas ku daray in hawlgalku sii socon doono ilaa inta si buuxda dhulka Jubalanad looga sifeynayo Al-shabab.

Shalay ayey ahayd markii Madaxweynaha Maamulka Jubaland Amxmed Maxamed Islaan sheegay inay bilaabayaan hawlgallo baahsan oo guud ahaan deegaanada uu maamulkaasi ka kooban yahay looga sifeynayo Al-shabab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM