Ciidamada Jubaland oo hawlgal ka wada magaalada Kismaayo

Image

February 1, 2015 (GO)- Ciidamada ammaanka Jubaland ayaa 24tii saac ee ugu dambeeyey hawlgal ammaanka lagu sugayo ka wadey qaybo kamid ah magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Ciidanka hawgalka sameynaya oo isugu jira booliis iyo nabad-sugid waxay gacanta ku dhigeen in ka badan toban qof oo dhallinyaro u badan, kuwaasoo la sheegay inay qorsheynayeen falal ammaanka liddi ku ah.

Waxaa sidoo kale baaritaan guri guri ah laga sameeyey qaar kamid ah xaafadaha iyadoo lagu arkayo jidadka waaweyn ee muhiimka ah ciidanka oo baaraya gaadiidka iyo dadka.

Hawlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Kismaayo uu ka socdo shirka xulista xildhibaanada kamid noqonaya Barlamanka Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland oo todobaadkii hore warbaahinta la hadlay, wuxu sheegay in dhowaan ciidamada Jubaland oo kaashanaya kuwa AMISOM bilaabayaan hawgal ballaaran oo Al-shabaab looga sifeynayo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM