​Ciidamada NISA oo qarax baabuur fashiliyay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamo ka tirsan hay'adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Somalia ee NISA, ayaa xalay ku guulaystay inay fashiliyaan weerar la doonayay in lagu qaado goobo la isugu yimaado degmada Hodob ee gobolka Banaadir.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu diyaariyay xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodon, waxaana halkaasi tagay ciidamo katirsan NISA oo ugu dambayn kala furay qaraxaasi.

Baabuurka ayaa laga dhex helay rasaasta Baasuukaha, labo qori oo AK47 ah iyo boolal tiro badan.

Saraakiil katirsan ciidamada amniga gobolka Banaadir ayaa kuwaramay in qaraxan loo qorsheeyay meelo muhiim ah oo dadku isugu yimaadan xilliga Afurka.

Afhayeenka gobolka Banaadir Cabdifatax Cumar Xalane, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay  inay ka hortageen qarax dad badan ku halligmi lahaayeen isagoo tilmaamay in dadaal loogu jiro sidii loo yarayn lahaa waxyeellada kooxda Al Shabaab.

Fashilinta  baabuurta laga buuxinayo qaraxyada iyo weerarada lala beegsanayo goobaha muhiimka ah gaar ahaan hotellada ayaa noqday kuwo isdaba socda, mana jirto ilaa hadda xal buuxa oo loo helay arrinkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM