​Ciidamada NISA oo qarax baabuur fashiliyay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamo ka tirsan hay'adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Somalia ee NISA, ayaa xalay ku guulaystay inay fashiliyaan weerar la doonayay in lagu qaado goobo la isugu yimaado degmada Hodob ee gobolka Banaadir.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu diyaariyay xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodon, waxaana halkaasi tagay ciidamo katirsan NISA oo ugu dambayn kala furay qaraxaasi.

Baabuurka ayaa laga dhex helay rasaasta Baasuukaha, labo qori oo AK47 ah iyo boolal tiro badan.

Saraakiil katirsan ciidamada amniga gobolka Banaadir ayaa kuwaramay in qaraxan loo qorsheeyay meelo muhiim ah oo dadku isugu yimaadan xilliga Afurka.

Afhayeenka gobolka Banaadir Cabdifatax Cumar Xalane, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay  inay ka hortageen qarax dad badan ku halligmi lahaayeen isagoo tilmaamay in dadaal loogu jiro sidii loo yarayn lahaa waxyeellada kooxda Al Shabaab.

Fashilinta  baabuurta laga buuxinayo qaraxyada iyo weerarada lala beegsanayo goobaha muhiimka ah gaar ahaan hotellada ayaa noqday kuwo isdaba socda, mana jirto ilaa hadda xal buuxa oo loo helay arrinkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM