Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Soomaaliya – Ciidamada la-dagaalanka argagixisada Puntland ayaa soo bandhigay meydadka 57 xubnood, oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo badankoodu yihiin ajaanib lagu dilay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Calmiskaad, gaar ahaan aagga Togajaceel.

Xubnaha ayaa la dilay kadib howlgallo dhulka iyo cirka ah oo dhacay Maanta, iyadoo sidoo kale la qabtay hub iyo qalab kale oo muhiim ah, oo ay kooxda Daacish lahayd, waxaana Ciidamada ay kusii siqayaan goobihii ugu dambeeyay ee Cal-Miskaad.

Sida aan ka soo xiganay ilo xog-ogaal ah, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen dhul muhiim ah oo horey ugu sugnayd kooxda Daacish. Dagaalka ayaa waxaa ku jira Argagaxiso ajaaniib ah, oo ka kala yimid dalal kala duwan, taasoo muujinaysa in kooxda Daacish ay u doonaysay inay gabaad ka dhigato Puntland, maadama Bariga Dhexe looga soo adkaadey.

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah. Guulahaas ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin dadaallada amni ee Puntland.

Talaabooyinka ciidamada Puntland ee ka dhanka ah Daacish ayaa ah kuwo lagu xaqiijinayo amniga iyo ilaalinta xuduudaha, iyadoo sidoo kale ay ciidamadu sii wadi doonaan howlgallada si loo xakameeyo argagixisada ka imanaya dibadda iyo gudaha dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM