Ciidamada Somaliya oo sheegey in saraakiil ajnabi ah dileen

Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia- Taliska ciidamada xoogga dalka Somaliya ayaa sheegey weerar qorsheysan oo ciidanka Kumaandooska ka sameeyeen gobolka Shabeelaha hoose ku dileen saraakiil ajaanib ah kuwasoo kuwasoo Ka tirsanaa ururka Daacish.

Warsaxafdeed kasoo baxey taliska ciidamada Somaliya ayaa lagu sheegey in dagaal lagu qaadey xarun kooxdaani daganeyd ku dileen 12 sarkaal oo isugu jira Somali iyo Ajaanib.

“Ciidamada oo ku gudajira howlgallada joogtada ah ayaa weerar la qorsheeyay ku qaaday mucaskar ay tababar ku qaadanayeen koox ka tirsan Daacish, halkaasna lagu dilay 12 ka tirsan kooxdaasi oo isugu jira Somali iyo Ajaanib kadib markii ay iskacaabin kala hor yimaadeen ciidamada howlgalka sameynayey." Sidaas waxaa lagu sheegey qoraalka kasoo baxey Taliska ciidamada Somaliya.

Ururka Daacish oo ka dagaalama wadamada Suuriya iyo Ciraaq ayaa dhowaan kooxo Ka falaagoobey ururka Al Shabab waxay xarumo Ka sameysteen degaano ka tirsan koonfurta Somaliya iyo Puntland.

Kooxdaani ayaa dhowaan sheegatey in weerarkeedii ugu horeeyey ku qaadey ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Somaliya kuwasoo marayey jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM