Ciidamada Ximin iyo Xeeb iyo mileeshiyo beeleed ku dagaalamay Galguduud

Image

November 29, 2014 (GO)- Ugu yaraan 15 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen tiro intaas ka badanna uu dhaawac kasoo gaarey dagaal ka dhacay tuulada War-shuba ee gobolka Galguduud.

Dagaalka oo dhex maray ciidamada maamulka Ximin iyo Xeeb iyo mileeshiyo beeleed hubeysan oo kasoo jeeda degmada Dhuusomareeb wuxuu bilowday gelinkii dambe shalay oo Jimce ahayd isagoo joogsaday xalay saqdii dhexe.

Ku dhowaad labaatan qof oo dagaalkaas kusoo dhawacmay islamarkaana ku jiraan qaar ay xaaladoodu halis tahay ayaa lasoo gaarsiiyey xarumaha caaafimaadka ee degmooyinka Caadaado iyo Dhuuso Mareeb.

Xiisad ayaa taagan waxaana cabsi laga qabaa in dagaalku saaka dib mar kale u bilowdo sida ay kuso waramayaan qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan khadka telefoonka kula xiriirnay.

Dhanka kale waxaa socda dadaallo ku aadan sidii colaadaas loo joojin lahaa,  wafdi isugu jira madax-dhaqameed iyo culimaa'uddiin kasoo jeeda labada dhinac ayaana ku baxay deegaanadii uu shalay dagaalku ka dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM