​Ciidamo Ethiopia kasocda oo la geeyay Halgan

Image

Wararka ka imaanay deegaanka Halgan oo dhawaan dagaal kharaar ku dhexmaray mallayshiyaad katirsan Al Shabaab iyo ciidamo qayb ka ah AMISOM oo kasocda dalka Ethiopia, ayaa waxaa maanta gaaray ciidamo gaashaaman oo ka baxay dhinaca degmada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamadan, ayaa la sheegay inay xoojinayaa kuwii la dagaallamay ururka Shabaab, waxayna fariisin ka samaysteen saldhiggii la isku fara saaray, iyagoo sidoo kale dagay meelo kale oo deegaankaasi kamid ah.

Xaaladda deegaanka Halgan ayaa aad u dagan, balse ciidamadan hadda soo gaaray ayaa abuuray jawi cabsi, waxaana la sheegay in shacabkii halkaasi ku dhaqnaa barakac billaabeen iyagoo ka baqanaya in mar kale dagaal ka dhaco aagaasi.

09 bishan, ayay ahayd markii iska hor imaad dhexmaray Al Shabaab iyo ciidankaasi lagu dilay in kabadan 100 ruux sida AMISOM sheegtay, balse tiro taasi kabadan waxaa shaaciyay dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM