Ciidamo Ethiopian ah oo gudaha usoo galay Kenya

Image

May 20, 2015 (GO)- Qaar kamid ah warbaahinta dalka Kenya ayaa baahiyey maanta oo Arbaco ah in ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia masaafo 20km ah gudaha usoo galeen Kenya, arrintaas oo dadka siyaasadda Bariga Afrika ka faalloodaa sheegeen inay dhaawici karto xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal.

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in ugu yaraan konton askari oo Ethiopian ahi soo galeen gobolka Waqooyiga Horr islamarkaana muddo kooban la wareegeen saldhig boolis oo ku yaalla xadka.

Dadka deegaanka ayaa soo wareiyey in ciidamadaasi deegaanka indho indheyn ku sameeyeen sawirrana ka qaadeen iyagoo intaas kadibna dib ugu laabtey halkii ay ka yimaadeen.

Af-hayeenka militeriga Kenya ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation in arrintan dowladda Kenya horey loogu soo wargelin balse wax dhibaato ah laga fileyn Ethiopia oo ah dal ay Kenya saaxiibo dhow yihiin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sarkaal kale oo codsadey inaan magaciisa la baahin ayaa sheegay inay tahay markii saddexaad ee sanadkan 2015 ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia gudaha usoo galaan Kenya.

Kumannaan kamid ah militeriga Ethiopia ayaa xilligan ku sugan dalka Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM