Ciidamo ka socda Jabuuti oo la wareegay ammanka Jalalaqsi

Image

15 September, 2015(GO)-Ciidamo ka socda dalka Jabuti ayaa badalay kuwii Burundi ee joogay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Ciidamadan oo watay gaadiid dagaal ayaa ka yimi degmada Buulo Burde oo ay horey u joogeen.

Taliyaha ciidamada Jabuti Sakariye Sheekh Ibraahin ayaa shalay gaaray Jalalaqsi, waxaa uu la kulmay ciidamadooda la wareegay ammaanka degmadaaasi, isagoo kala hadlay qaabkay u sugi lahaayeen Amniga.

Sakariye aya sidoo kale ciidamadooda uga digay weeraro uga yimaada ururka Al-shabaab, waxa uuna ugu baaqay inay si wanaagsan ula dhaqmaan bulshada goobahaasi ku sugan.

Lama oga halka loo badalay ciidamadii Burundi oo degmada muddo gacanta ku hayay.

Waa degmadii saddexaad ee loo dhiibo amnigeeda ciidamo ka socda Jabuti, horey waxay gacanta ugu hayeen degmooyinka Baladweyne iyo Buulo Burde.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM