Wasiirka gashaandhiga Somalia oo tababar u xirey ciidamo

Image

31 Augusto, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada muqdisho tababar loogu soo xirey ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya oo muddo dhawr bilood ah ku jirey xerada Jazeera.

Ciidankan ayaa isagu jira Boolis iyo Saraakiil cusub oo kamid noqonaya kuwa dalka Somalia, waxaana munaasabadda xiritaanka tababarka ka qayb galay , wasiirka Gaashaandhigga Somalia Gen. Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha ciidamadda xoogga dalka  S/G Daahir Aaden Cilmi, Saraakiil ka socotay Midowga Yurub iyo AMISOM oo tababarka gacan ka gaysanayay.

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia ayaa la hadlay ciidanka tababarka dhamaystay, waxa uuna kula dar-daarmay in ay la yimaadaan karti iyo hufnaan, maadama ay yihiin sida uu sheegay kuwa soo celin kara sumcadda Somalia.

Ugu dambeyn qaar ka mid ah ciidamada tababarka dhamaystay ayaa goobta loogu xiray darajooyin, waxaana sida la sheegay ay ka mid noqonayaan saraakisha ciidamada Somalia.

Tababrkaan loo fidiyo ciidamadaan loogu yeero Somalia ayaa inta badan waxaa ka maqan dhamaan maamulada ka tirsan dowlada Federaalka kuwasoo ciidamadooda aysan ka helin wax tageero ah beehsa caalamka.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM