Wasiirka gashaandhiga Somalia oo tababar u xirey ciidamo

Image

31 Augusto, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada muqdisho tababar loogu soo xirey ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya oo muddo dhawr bilood ah ku jirey xerada Jazeera.

Ciidankan ayaa isagu jira Boolis iyo Saraakiil cusub oo kamid noqonaya kuwa dalka Somalia, waxaana munaasabadda xiritaanka tababarka ka qayb galay , wasiirka Gaashaandhigga Somalia Gen. Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha ciidamadda xoogga dalka  S/G Daahir Aaden Cilmi, Saraakiil ka socotay Midowga Yurub iyo AMISOM oo tababarka gacan ka gaysanayay.

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia ayaa la hadlay ciidanka tababarka dhamaystay, waxa uuna kula dar-daarmay in ay la yimaadaan karti iyo hufnaan, maadama ay yihiin sida uu sheegay kuwa soo celin kara sumcadda Somalia.

Ugu dambeyn qaar ka mid ah ciidamada tababarka dhamaystay ayaa goobta loogu xiray darajooyin, waxaana sida la sheegay ay ka mid noqonayaan saraakisha ciidamada Somalia.

Tababrkaan loo fidiyo ciidamadaan loogu yeero Somalia ayaa inta badan waxaa ka maqan dhamaan maamulada ka tirsan dowlada Federaalka kuwasoo ciidamadooda aysan ka helin wax tageero ah beehsa caalamka.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM