Ciidamo lagu weeraray degmada Marka gobolka Shabeelaha hoose

Image

29 Augusto,2015(GO)-Wararka ka imaanaya magaalada Marka Gobolka Shabeelada Hoose. ayaa sheegaya in goor dhawayd qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan Milatariga Somalia.

Qaraxan ayaa wararku sheegayaan inuu ahaa bamka gacanta lagu tuuro siday xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugnaa hadlka uu weerarku ka dhacay, lamana garan karo khasaaraha ka dhashay.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli maanta magalada Marka gaareen wafdi u hogaaminayo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia kuwaasi oo degmada u tagay qiimeyn ay ku sameynayaa tacadiyo ay geysteen ciidamada AMISOM ee ku sugan degmadasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM