Ciidanka dowladda iyo Shabaab oo ku dagaalamay gobolka Gedo

Image

18 Octobar, 2015(GO)-Dagaal maanta ka dhacay gobolka Gedo, ayaa sababay dhimashada lix ruux oo ka kala tirsan dhinacyo ku dagaalamaday Deegaanka Masalle-Adduun oo dhowr iyo laabtan KM u jira magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda Somalia iyo ururka Al-Shabaab oo deegaankaasi ka waday xoolo uruurin.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ee dhowaan soo magacaabay maamulka Jubbaland  Axmed Buule Maxamed (Canjeex)  ayaa VOA-da u sheegay in weerar ay qaadeen ciidamada dowladda Somalia kula soo wareegeen xoolo laga soo kaxaystay dadka deegaanka.

Labo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa dagaalka ku dhintay, waxaana kamid ah sarkaalkii hogaaminayay ciidamada weerarka qaaday, halka uu dhaawacmay hal askari.

Canjeex ayaa xusay in dib loogu celin doono dadka deegaanka xoolahaasi.

Dhinaca kale, warar madax banaan ayaa sheegaya in afar ka mid ciidanka dowladda lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka la weeraray ayaa ku socda deegaanka Masalle-Adduun oo markii hore dirirtu ka dhacday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM