Ciidanka dowladda oo ku dagaallamay Muqdishu

Image

06 January, 2016(GO)-Dagaal khaasaaro nafeed gaystay ayaa maanta magalada Muqdishu ku dhexmaray ciidamo ka kala tirsan dowladda Somalia kuwaas oo isku khilaafay howl gal loo diray.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay tira kalena dagaalka oo socday muddo laba saac ah, kana dhacay xaafadda Soona Key degmada Hodan.

Ciidamada dagaallamay ayaa isku khilaafay dhul la isku haysto oo Boliiska Muqdishu sheegeen in lagu amray inay burburiyaan, halka Millatari halkaas ku sugnaa kasoo horjeesteen.

Wararka ayaa sheegaya in guryaha la bur burinayo degan yihiin qaar ka mid ah qoysaska askarta diidan ee katirsan Millatariga Somalia, sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal kusugan muqdishu.

Ciidamada dagallamay ayaa weli ishorfadhiga, waxaana socda barakac ay samaynayaan dadka degmada kuwaas oo ka cabsi qaba dagaal mar kale dhaca.

Goob joogayaal kusugan degmada Hodan ayaa tilmaamaya inay dhexgaleen ciidamo katirsan AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM