​Ciidanka dowladda oo la wareegay Aadan Yabaal

Image

JOWHAR- Wararka aan ka helayno gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa sheegay in ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Somalia (AMISOM), la wareegeen deegaanka Aadan Yabaal oo gacanta dowladda ka baxay bishii April ee sannadkan.

Majirto dagaal dhexmaray Shabaab iyo ciidamada huwanta ah, balse wararka ayaa xusaya in mallayshiyadu goobta ka baxday, kadib markii ay ka war heleen inay kusoo wajahanyihiin ciidamado xooggan oo muddooyinkii dambe gobolka lagusoo daad guraynayay.

Shabaab, ayaa lagu soo waramayaa inaysan ka fogayn nawaaxiga Aadan Yabaal.

Shacabka deegaanka ayaa barakacay iyagoo ka cabsi qaba in dagaal halkaasi ka qarxo.

Xaaladda ayaa lagusoo waramayaa inay dagantahay, balse socdaan dhaq-dhaqaayo ciidan.

Dhawr jeer ayaa deegaanka sannadka gudahiisa dagaallo ka dhaceen, markii ugu dambaysay waxay ahayd bishii April xilligaas oo ciidanka dowladda mallayshiyada Shabaab kala wareegeen, balse dhawr cisho ayay dib u qabsadeen xilligaas oo ciidamada Ethiopia isaga baxeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM