​Ciidanka dowladda oo la wareegay Aadan Yabaal

Image

JOWHAR- Wararka aan ka helayno gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa sheegay in ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Somalia (AMISOM), la wareegeen deegaanka Aadan Yabaal oo gacanta dowladda ka baxay bishii April ee sannadkan.

Majirto dagaal dhexmaray Shabaab iyo ciidamada huwanta ah, balse wararka ayaa xusaya in mallayshiyadu goobta ka baxday, kadib markii ay ka war heleen inay kusoo wajahanyihiin ciidamado xooggan oo muddooyinkii dambe gobolka lagusoo daad guraynayay.

Shabaab, ayaa lagu soo waramayaa inaysan ka fogayn nawaaxiga Aadan Yabaal.

Shacabka deegaanka ayaa barakacay iyagoo ka cabsi qaba in dagaal halkaasi ka qarxo.

Xaaladda ayaa lagusoo waramayaa inay dagantahay, balse socdaan dhaq-dhaqaayo ciidan.

Dhawr jeer ayaa deegaanka sannadka gudahiisa dagaallo ka dhaceen, markii ugu dambaysay waxay ahayd bishii April xilligaas oo ciidanka dowladda mallayshiyada Shabaab kala wareegeen, balse dhawr cisho ayay dib u qabsadeen xilligaas oo ciidamada Ethiopia isaga baxeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM