Ciidankii Sierra Leone ee Kismaayo ku sugnaa oo la sagootiyey

Image
Image
Image
Image

December 18, 2014 (GO)- Magaalada Kismaayo waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu sagootinayey cutub ka tirsan mileteriga dalka Sierra Leone islamarkaana qayb ka ahaa hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Munaasabadda waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ay kamid ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubland Axmed Maxamed Islaan.

Labada mas'uul ayaa dowladda Sierra Leone uga mahadcelisey taageerada ay u fidisay Soomaaliya iyagoo sheegay in abaalkaas dadka Soomaaliyeed marna illaawi doonin.

Qorshaha dib loogu celiyey ciidamada ka socda Sierra Leone waa mid ay dhowaan ku heshiiyeen Midowga Afrika, Sierra Leone iyo Somalia.

Warar hoose oo waarbaahintu heleyso ayaa sheegay in sababta ciidanka Sierra Leone loo qaadayaa tahay kadib markii la waayey askar lagu bedelo kuwii horay Soomaaliya u joogey cabsi laga qabo cudurka Ebola dartiis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM