​Colonel Tareedisho "7 katirsan Shabaab ayaan Galgaduud ku dilnay"

Image

MUQDISHU, Somalia- Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee Bariga Galguduud Col Axmed Tareedisho, ayaa sheegay in ciidamadooda sida gaarka ah u tababaran ay ku dileen deegaanka massagawaay ee Gobalka Galgaduud ay ku dileen 7 katirsan ururka Al Shabaab.

Howlgalkan ayaa taliyuhu xusay inay ku dhaawaceen sideed kale islamarkaana kusoo furteen hub iyo saanad miletari oo kooxdaasi lahayd.

“Saldhig ay Al-shabaab lahaayeen oo ku yaalla Deegaanka Masago-waay ayaan weerarnay, Saldhigga waan burburinay, waxaan halkaas ku dilnay 7 ka tirsan kooxda alshabaab 8 kalana waan ka dhaawacnay hubkoodiina waan soo furanay,” Ayuu yiri Col Tareedisho.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in uu halkaas si dirqi ah uga baxsaday Horjoogihii maleeshiyadaas oo lagu naaneyso Adkaar, kaas oo mas’uul ka ahaa dilalka shacab dhawan ay laayeen maleeshiyaadka Shabaab.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha la doonayo in kooxda Al Shabaab looga saaro dhamaan deegaannada dhaca bariga Galgaduud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM