Cosoble oo loo doortay Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle

Image

JOWHAR, Somalia- Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa ku guulaystay inuu noqdo Madaxweynaha maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle kadib codayn goor dhow lagu soo gaba gabeeyay hoolka shirarka degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Madaxweynaha la doortay ayaa helay 61 cod, halka ninka la tartamayay ee Maxamed Cabdi Waare uu helay 36.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Sheekh Cusmaan Barre, ayaa madasha kaga dhawaaqay natiijada codeynta, wuxuuna sheegay inay madasha joogeen 98  xildhibaan, kuwaasoo 61 kamid ah u doorteen Cali Cabdullaahi Cosoble, 36 codna uu helay Maxamed Cabdi Waare, halka Hal cod uu xumaaday.

Cosoble, ayaa soo noqday wasiirka waxbarashada ee xukuumaddii lagusoo dhisay dalka Kenya gaar ahaan Nairobi.

Ninka laga guulaystay ee Maxamed Cabdi Waare, wuxuu sheegay inuu aqbalay natiijada doorashada islamarkaana ku faraxsanyahay qaabka Xildhibaanadu u codeeyeen.

"Waxaan Shacabka Hir-Shabeelle Alle uga baryayaa Wadadaasi ay doorteen, kuna garabgalo, waxaana uguu hambalyaynayaa Madaxweynaha Cusub Guusha uu gaarey," Ayuu yiri waare oo hadlay markii lagu dhawaaqay Natiijada Doorashada.

Waxaa lagu wadaa in la dhaariyo marka ay dhammaato codaynta doorashada Madaxweyne ku-xigeenka oo ay ku tartamayaan Cali Guud-laawe iyo Cali Taakoow.

Madasha lagu doortay Madaxweynaha cusub ee Cosoble, waxaa joogay, Wasiirka Arrimaha Gudaha Federalka Somalia, madaxweynaha Galmudug iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee dhawaan Cadaado lagu doortay gaar ahaan; Cabdi Xasan Cawaale qaybdiid iyo Mahad Maxamed Salaad.

Waxaa sidoo kale joogay mas'uuliyiin ka agdhow xafiiska madaxweynaha dowladda Federalka Somalia ee Xasan Sheekh Maxamud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM