Covid-19: Soomaaliya oo shir muhiim ah ugu baaqdey dalalka IGAD

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya ayaa wadamada xubinta ka ah urur goboleedka IGAD waxay ku boorisay in ay isugu yimaadaan shir looga arrinsanayo saameynta dhaqaale ee ka dhalan karta fayruska Corona.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qodobkaas kasoo jeediyey kulankii muuqaalka ahaa ee maanta ay yeesheen hogaamiyeyaasha wadamadaas, sidda ay ku warantay Madaxtooyadda Qaranka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu xoojiyey aragtida ah in la mideeyo sanduuqa dhaqaale ee gobolka kula dagaalamayo xanuunkaas saf-marka ah.

"Khasaaraha dhaqaale waa mid halis leh, gobol ahaanna, waloow dal walba qorsheeyay tallaabooyin maaliyadeed oo u gaar ah oo uu ku yaraynayo dhibaatada whakhtiga dhaw, haddana ma lihin sanduuq guud oo loogu talagalay yaraynta halista dhaqaale ee uu sababi karo caabuqani wakhtiga dhexe iyo kan fog," ayuu yiri Farmaajo.

Sidda ku xusan warka qoraalka ah, shirkaas uu Farmaajo soo jeediyey waxaa yeelan doona wasiiradda maaliyadda wadamadda iyo saaxiibadda caalamka.

"Arrimahan maaliyadeed ee muhiimka ah marka la fiiriyo, waxa lagama-maarmaan noqonaysa ka faa’idaysiga qoondada heer gobol ee Hay’adaha Maaliyadda ee Caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika maadaama ay kaabayaan qoondada dal walba ugu talagalay arrintan iyo mashaariicda hadda socda iyo kuwa mustaqbalka ee dhanka caafimaadka," ayuu hoosta ka xariiqay.

Inkastoo ay taageero kale waydiisatay Beesha Caalamka, xukuumadda Soomaaliya ayaa la dagaalanka Covid-19 u qoondeysay shan milyan oo Doolar, sidda u sheegay ra'iisul wasaare Khayre.

"Sidaasi awgeed, waxaan soo jeedinayaa in ay Wasiirrada Maaliyadda dalalka IGAD kulan gaar ah la yeeshaan Bangiyada Horumarinta iyo sidoo kale saaxiibbada kale ee caalamiga ah si arrimahan looga miradhaliyo," ayuu Farmaajo ku nuux-nuux saday.

Soomaaliya ayaa illaa iyo haatan laga xaqiijiyey saddex kiis. Laba kamid ah waxaa siday muwaadiniin ka yimid Shiinaha iyo Talyaaniga, halka ruuxa sadexaad uu yahay ajnabi ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM