​Cumar Cabdirashiid “Kuma Qanacsanin Xukunka dilka ah ee India"

Image

GAROWE, Puntland- Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladda Federalka Somalia, Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke ayaa sheegay inaysan ku qanacsanayn xukunka dilka ah ee dowladda India ay ku riday dhalinyaradda Soomaaliyeed ,madama aysan helin fursad ay iskaga difaacaan eedaymaha loo soo jeediyey.

“Xukumadda Soomaaliya kuma qanacsano xukunka dowladda India ay ku riday dhaliyaradda Soomaaliyeed ee ku xirnaa xabsiyadda dalkaasi, qof kasta oo bini’aadan ah waxa uu xaq u leeyahay in uu helo xukun ku dhisan Cadaalad, sidaa daraadeed waxaan aaminsanahay in muwaadiniintaas aysan helin Cadaalad maadaama an fursad loo siinin inay qabsadaan qareeno u doodda ama ka difaaca eedaymaha loo haysto,“Ayuu yiri Mudane Cumar.

Sharmake, ayaa tilmaamay in xukumadu ay kala hadli doonto dowladda India Xukunka ay ku riday dhalinyaradda Soomaaliyeed, kuwa ku jira xabsiyadda dalkaasi sidii ay ku heli lahayeen dar-yeel bini aadanimo iyo xukun cadaalad ah.

“ Dowladda India wan kala hadli doonaa dhalinyaradda ku jirta Xabsiyada Dalkaasi sidii ay u heli lahayeen dar-yeel bini aadanimo iyo xukun ku salaysan Cadaaladda ,waxaan sidoo kale la wadaagi donaa in xukumadda Soomaaliya ay aaminsan tahay in xukunkii lagu riday dhalnyaradda Soomaaliyeed uusan ahayn mid Cadaaladda ah, aysana xaq u helin fursad ay isku difacaan,”ayuu hadalkiisa ku daray Ra’iisul wasaaruhu.

Hadalkan, ayaa kusoo beegmay xilli 50 dhalinyaro Somaliyeed lagu xukumay dil toogasho ah.

Waxaa sidoo kale jira, ku silicsan xabsiyada waddankaas iyadoo aysan horay uga hadlin xukuumadda waqtigeedu dhammaaday ee dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM