Ra'isal wasaaraha Somalia oo Baladwayne tagay

Image
Image
Image

BALADWEYNE- Ra'iisul wasaraha xukuumadda Federaalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira xubnaha labada golle dawladda ayaa maanta gaaray magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdigan, ayaa soo dhaweyn diiran loogu sameeyay magalada, waxaana qaabilay wasiirka Arrimaha Gudaha, masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan, Odayaasha dhaqanka, Saraakiisha Ciidamadda Dawladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Cumar Cabdirashiid ayaa halkaas u tagay inuu wada-hadal la yeesho qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan si loo guda galo dhismaha Maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe, waxana inta uu joogo kulamo kala duwan la qaadan doonaa Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Beledwayne si looga gudbo tabashada ay qabaan dadka deegaanku.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa u mahadceliyey shacabka gobolka sida diiran ee ay ugu soo dhaweeyeen Beledwayne, wuxuna sheegay inta uu joogo g in uu la kulmi doono dhinacyada Siyaasadda, Dhaqanka iyo cid walba oo jecel nabadda iyo horumarka deegaanka.

Arrintan ayaa timi xilli uu dhawaan soo garay wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wafdi la socda, waxayna wadaan qorshe dadka deegaanka looga dhaadhicinayo in wax laga qabto  khilaafaadka ka dhashay shirka maamul u samaynta labada gobolka, kaasi oo Odoyaasha Hiiraan saluug ka muujiyeen qaabka loo qaybiyay shir guddoonka iyo waliba arrimo kale.

Dowladda Federalka ayaa dadaal ugu jirta sidii maamulkaasi loo dhisi lahaa, si uu qayb uga noqon lahaa maamul goboleedyada ka qayb galaya doorashada 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM