D. Federaalka oo qabatey nin Maraykanku ku darey liiska argagixisada

Image

March 3, 2015 (GO)- Hay'adda Sirdoonka Dowladda Federaalka (NISA) ayaa shaacisey inay gacanta ku dhigtey nin asalkiisu Soomaali yahay oo horay Dowladda Maraykanku ugu dartey liiska argagixsada.

Ninkaas oo lagu magacaabo Liibaan Xaaji Maxamed da'diisuna 29 sano jir tahay waxaa lagu soo eedeeyey inuu ka tirsanaa Al-shabaab una qaabilsanaa qorista xubnaha cusub ee kooxdaas ku biiraya.

Maraykanka ayaa abaal marin lacageed oo gaareysa konton kun oo doollar u ballan qaadey ciddii keenta xog sahleysa soo qabashada Liibaan Xaaji.

Dhowr sarkaal oo xilal muhiim ah ka hayey Al-shabaab ayaa bilihii u dambeeyey isu soo dhiibey Dowladda Federaalka qaar kalena waxaa lagu diley duqeyn dhanka cirka ah oo ay diyaaraha Maraykanku geysteen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM