​Dacwadda Badda Somalia iyo Kenya oo Hague ka bilaabatay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

HAGUE, Holland- Waxaa maanta magaalada Hague ee dalka Holland ka bilaabatay dhagaysiga dood la xiriirta biyaha ay ku muransanyihiin Kenya iyo Somalia.

Dhageysig dacwaddan oo socon doonto muddo afar maalmood ah, waxay maxkamaddu maaanta dhageysatay dooda ay dawladda Kenya ka qabto dacwadda.

Kenya ayaa ka biyo diidsan dalabka ah in ICJ, dhagaysato kiis la xiriira biyaha iyadoo sheegtay in hishiisyo ku aadan mulkiyadda dhulkaasi madax katirsanaa dowladdii KMG ahay u saxiixeen.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Kenya, Githu Muigai - ayaa sheegay in Maxkamadda caalamiga ah aysan u oolin xalinta khilaafkan maadama ay labada dal Sannaddii 2009-kii ku heshiiyeen in murankan ay ku xaliyaan wada xaajood.

Mas'uuliyiinta matalaya dalka Somalia ayaa iyaguna doodooda la dhagaysan doonaa malinta barri ah, waxaana dhagaysiga labad dhinac maxkamaddu go'aan ka gaari doontaa arrimaha la isku hayo.

Sidoo kale ICJ, ayaa la filayaa inay ka hadasho tallaabada Kenya ay ku diidantahay in maxkamadda u qaabilsan Qaramada Midoobay ay qaado dacwadda ay soo gudbisay Somalia.

Xeer ilaaliyaha dalka Somalia, Axmed Cali Daahir, oo goor sii horaysay hadlay ayaa sheegay in dowladdu ka go'antahay sidii loo soo celin lahaa biyaha Kenyo sheeganayso.

Lama oga halka ay ku dambayn doonto arrintan, balse waxaa walaac weyn laga muujinayaa hishiiska uu saxiixay wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Xukuumadda Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaasoo Kenya maxkamadda kusoo bandhigtay.

Madaxweynaha xilku ka dhammaaday Xasan Sheekh oo maanta hadlay, ayaa sheegay in Kenya iyo Somalia isu fahmi waayeen dhammaynta khilaafka ka dhashay Badda Somalia, wuxuuse xusay in calaaqaadka kale aad u wanaagsanyahay.

Kenya, ayaa kamid ah waddamada Ciidamadu ka joogaan dalka Somalia, waxaana hadda ka hor dood ka dhalatay darbi xukuumadda Nairobi sheegtay inay ka dhisayso xadka, kaasoo loo arkay in lagasoo tallaabiyay xadka labada dhinac,

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM