Dad isaga shakiyey Covid-19 oo "tagay" xarunta karantiilka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay baartey dad isaga shakiyey Coronavirus oo tegay xarunta karan-tiilka ee Wasaarada Caafimaadka gacanta ku hayso.

Agaasimaha tayadda wasaaradaas, Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, ayaa tiradda dadkaas ku sheegay ku dhowaad 40 ruux.

Wareysi uu siiyey warbaahinta maxaliga ah ayuu daaha kaga rogay in dhamaan shaqsiyaadkaas qaarkood laga waayey xanuunka markii laga qaadey tijaabada la xiriira caabuqa safmareenka ah ee Covid-19.

"Magaalada dad isaga shakiyey ayaa la baarayey shalay iyo maanta, jawaabahoodana waa la heli doonaa, gudaha iyo dibadda ayaanna lagu baarayaa," ayuu Axmed u sheegay saxaafada gudaha.

Dhanka kale, qalabka lagu ogaado xanuunka ayuu ka dhawaajiyey in la rakibay isla markaana ay haatan hagaajin ku socoto sheybaarka, wallow uusan muddeyn xiliga rasmiga ah ee lasoo gabagabeyn doono.

"Dadka la nool [Coronavirus] ee la xaqiijiyey waa todoba, waxba iskama bedelin; mid ayaana ka bogsoodey, dhamaantooda xaaladoodu way wanaagsan tahay," ayuu hadalkiisa kusii daray agaasimaha.

Shaqsiyaadka uu soo ritay cudurka ee jooga Muqdisho ayaa laba kamid ah waxay yihiin ajaaniib la shaqeeya xafiiska Qaramada Midoobay, waxaana ay cudurka kasoo qaadeen dalal ay booqdeen.

Dhamaan kiisaska la hubiyey ayaa waxaa lagu soo ogaadey sheybaar hay'adda caafimaadka aduunka aqoonsan tahay oo yaala caasimadda Kenya ee Nairobi, halkaas oo khuburo caafimaad ay joogaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM