Dad ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Hiiraan

Image

01 January, 2016(GO)-Wararka ka imaanaya Galbeedka gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maalintii labaad uu kasocdo dagaal beeleed u dhaxeeya mallayshiyaad katirsan beelo dhawaan ku diriray magalada Baladweyne.

Khasaaro kala duwan ayaa laga soo sheegayaa, waaxaana wararka Garowe Online soo gaaraya xaqiijinayaan dhimashada 7 ruux oo ka kala tirsan garabyada dagaallamay iyo dhaawaca Toboneeye kale.

Dagaalkan ayaa daba socda khilaaf ka dhex aloosan laba beelood ee Galjecel iyo Jajeelle oo horey hishiis ugu gaaray xarunta gobolka Hiiraan kadib dagaal khasaaro badan dhaliyay, waloow aan lagaranayn sababta keentay in dagaalku soo cusboonaado.

Warar aan helayno qaybtood ayaa sheegay khilaafku inuu salka ku hayo arrimo siyaasadeed, maadama dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh tagay gobolkaasi isagoo xal u raadinaya maamul ay yeeshaan Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan.

Baladweyne ayaa loollan kula jirtay xarunta hadda loo asteeyay in lagu qabto shirka maamul u samaynta labada gobol ee Jowhar, waa arrintaas sababta dadka qaybtii u aanaynayaan dagaalka soo cusboonaaday.

Waxgaradka qaybtood ayaa sheegay inaysan tagi karin deegaanka dagaalku ka dhacay oo lagu magacaabo Buqgoosaar oo qiyaastii 60KM dhinaca Galbeed ka xiga Baladweyne sababo amni dartiis, waxay tilmaameen inay kala hadleen maamulka gobolka.

Ma jirto wax war ah oo soo saaray maamulka gobolka Hiiraan taasi oo ku aaddan dagaalka labada beelood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM