​Dad ku dhintay Duqayn ay gaysteen ciidamada AMISOM [Dhagayso]

Image

JANAALE, Somalia- Ciidamada AMISOM ee ku sugan degaanka Buufow ayaa Xalay Duqeymo xooggan u gaystey Tuulo ku dhaw degaankaa Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Duqeynta  ayaa timid kadib markii Al Shabaab hoobiyaal ku garaaceen Xerada Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Buufow, oo 8KM dhanka galbeed uga beegaan Magaalada  Marka.

Nuur Cusmaan Raage, oo ah gudoomiyaha deegaanka Shalanbood ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in 5 qof, oo kala ah 3 Caruur ah iyo 2 Dumar ah ay ku geeriyoodeen Madaafiicda ciidamada AMISOM.

"Madfac laga soo tuurey Xerada AMISOM ee Buufow ayaa wuxuu ku dhacay Guri Shacab ay deganyihiin oo ku yaallo Tuulada Franko, waxaana ku dhintay 5 Ruux oo Hal Qoys kasoo jeedo, oo 3 kamid ah yihiin Caruur,"  ayuu yiri Nuur.

Dadka dhintay waxay ahaayeen Hooyo iyo Afar Caruur ah oo ay dhashay, waxaana ka badbaaday Madfaca ku dhacay Gurigooda Aabaha Qoyskaasi.

Tuulada la weeraray ayaa waxaa lagu magacaabaa Faranko, waxayna ku taallaa duleedka Jannaale, oo ay maamulaan dagaalyahano katirsan Ururka Al Shabaab.

AMISOM ayaa inta badan si aan kala sooc lahayn u duqeeya goobaha ay ku sugan yihiin Xarakada Al Shabaab, ee u dhaxaysa magaalooyinka Marka iyo Jannaale, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

AMISOM kama aysan hadlin Duqeynta ciidamadooda u geesteen Tuulada Faranko.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM