Dad ku sumoobey deegaanka Dacarre ee gobolka Nugaal

Image

January 3, 2015 (GO)- Ugu yaraan 12 qof ayaa maanta ku sumoobey tuulada Dacarre oo 20km u jirta deegaanka Kalabeyr ee gobolka Nugaal.

Dadkan oo 11 kamid ah lasoo gaarsiiyey isbitaalka guud ee degmada Garowe waxaa la sheegay inay ku sumoobeen cunto ay maqaaxi deegaankaas ku taalla ka cuneen.

Sida qaar kamid ah dadka deegaanka oo Garwe Onlie khadka telefoonka kula hadlay sheegeen, waxay suntu ka timid saliid cuntada lagu kariyey oo ku jirtey caag aan nadiif ahayn.

Qaar kamid ah bukaanada lasoo gaarsiiyey Garowe xaaladooda caafimaad way liidataa sida u Garowe Online u xaqiijiyey Dr. Carabey oo kamid ah dhaqaatiirta xaalada dadkaas la tacaalaya.

Ma ahan markii ugu horeysey ee dhacdo caynkan oo kale ahi ka dhacdo deegaanada Puntland, waxaana arintan oo ku badan miyiga iyo tuulooyinka yaryar loo sababeeyaa dadka reer guuraaga oo adeegsada weelal aan nadiif ahayn, gaar ahaan jirigaammada iyo caagadaha yaryar ee lagu keeno sunta iyo chemicals-ka kale ee halista ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland: Cirro oo Baaq DEGDEG ah diray ka dib rabshadihii Boorama

Cirro oo habeenkii Jimcaha khudbad telefishinka ka jeediyay, ayaa ballan qaaday in dowladdu garab istaagi doonto qoysaska dhibbanayaasha.

  • Soomaliya

    06-12-2025

  • 05:18AM

Mucaaradka iyo Dowlad Goboleedyada qaar oo Kismaayo Shir Ku Qabanaya

Kulankan ayaa aragti ahaan u muuqda mid calaamad u noqon kara dib u kala qaybsanaan siyaasadeed oo cusub.

  • Soomaliya

    05-12-2025

  • 11:40AM