​Dad lagu soo qabtay howlgallo laga sameeyay Baydhabo

Image

BAYDHABO- Howlgal ciidamada Nabad Sugidda maamulka Koonfur Galbeed kasameeyeen xaafadaha magalada Baydhabo, ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay dad looga shakisanyahay inay xiriir la leeyihiin ururka Al Shabaab.

Xogo ciidamadu ka heleen dadka deegaanka, ayaa ciidamada u fududeeyay inay sameeyaan baaritaankaasi, waxaana  lagu wargaliyay mallayshiyaad katirsan Shabaab inay gudaha u soo galeen xarunta gobolka Baay.

Dadka lasoo qabtay, ayaa ciidamadu kala saareen, waxaana wararku sheegayaan in tiro aan la cayimin laga reebay dadkii lasoo qabtay islamarkaana baaritaan lagu samayn doono.

Howlgalkan, ayaa lagu soo beegay xilli shalay maxkamadda ciidamada qalabka sida Somalia, dil toogasho ah ku xukuntay rag la sheegay inay ka dambeeyeen weerar qaraxyo ahaa oo ka dhacay magalada Baydhabo.

Dhinaca kale waxaa arrinta qayb ka tahay dadaallo maamulkaasi ku doonayo in gobolka Baay kaga sifeeyo ururka Shabaab, waxaa todobaadkii hore dagaallo dhexmareen ciidamada Koonfur  Galbeed oo kaashanaya kuwa dowladda iyo AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM