​Dad loo soo qabtay qarax ka dhacay Afgooye

Image

AFGOOYE- Maamulka degmada Afgooye gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen saddex ruux oo looga shakisanyahay qarax ka dhacay maanta suuq ku yaalla degmadaas oo inta badan isugu yimaadan ciidamo katirsan dowladda Somalia.

Qaraxaasi waxaa ku dhaawacmay sideed ruux oo afar kamid ah yihiin ciidanka dowladda, halka inta kale shacab yihiin, waxaana qaraxaasi ahaa miino dhulka la galiyay oo ah nooca meelaha fog laga hago.

Tacshiirad weerarka ka dib fureen waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad suuqa ku sugnaa.

Dadka lasoo qabtay waxaa ku jira mulkiilaha dukaan ku yaallay nawaaxiga goobta garaxu ka dhacay, waxaana la sheegay in looga shakisanyahay miinadan dhulka lagu aasay.

Xaaladda degmada Afgooye ayaa weerar ka dib ahayd mid dagan, waxaana falkaasi lagu eedeeyay ururka Shabaab oo inta badan bartilmaameed ka dhigta dowladda iyo goobaha kusuganyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM