Dad loo soo qabtay sarkaal shalay lagu dilay Muqdishu [Dhagayso]

Image

19 Octobar, 2015(GO)-Afhayeenka wasaaradda amniga ee Somalia Maxamed Yuusuf Cismaan oo saxaafada la hadlay, ayaa ka warbixiyay dad lagu soo qabtay hawgal ciidamada amnigu ka sameeyeen Muqdishu.

Dadka la soo xir xiray, waxaa ku jira laba ruux oo lala xiriirinayo sarkaal shalay lagu dilay magalada Xamar, kaasi oo ka shaqaynayay garoonka diyaadaha Aadan Cadde, kana tirsanaa wasaaradda maaliyadda Somalia.

Hawgalka ayaa laga sameyay xaafadaha magalada Muqdishu, waxaana fuliyay ciidanka NISA, kuwaasi oo guri guri u galayay xaafadaha isla markaana baarayay gawaarida jidadka maraya.

Magalada Muqdishu, waxaa inta tabadan ka dhaca dilal qorsheysan oo loo gaysto dadka haldoorka ah, waxaana ugu dambeeyay dil shalay loo gaystay Ciise Bayle iyo labo qof la dilay abuucii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM