​Dad u dhintay Abaar ka jirta Koonfurta Somalia

Image

BADHAADHE, Somalia- Ugu yaraan 3 Qof, ayaa u geeriyooday Gaajo iyo Haraad ka dhashay Abaar ku dhufatay qeybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose, ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Abaarta ayaa waxay ka jirtaa Deegaanada ku yaallo inta u dhaxayso Degmooyinka Badhaadhe iyo Hoosingow, halkaasi oo dadka iyo duunyada ay u dhimanayaan Biyo iyo Cunto la'aan.

Dadka Abaartu ay dishay ayaa waxay kala yihiin Oday iyo Labo Caruur ah, kuwaasi oo ku geeryoodey Tuulo lagu magacaabo Jadeecaaley oo ku dhaw Degmada Badhaadhe, oo Al Shabaab maamusho.

Nafo Darro baahsan ayaa la sheegay inay khatar ku hayso Nolosha Caruurta Da'doodu ka yartahay iyo Dadka waayeellada ah, iyadoo Xoolahana ay u dhimanayaan Biyo iyo Baad la'aan maadaama dhulka uu qalalay, islamarkaana aysan haysan Meelo Biyo iyo Daaq ka heli karaan.

Waxaa aad u adag in Hay'adaha Samafalka Caalamiga ah Gurmad Bini'aadanimo gaarsiiyaan Goobaha ay Abaartu ku dhufatay ee Gobolka Jubbada Hoose, sababtoo ah Amni darrada iyo Al shabaab oo maamulo Deegaanada dadka ay ku dhimanayaan.

Roobka oo aan si fiican uga da'in Jubbada Hoose Xili roobaadkii lasoo dhaafey ee Gu'ga, ayaa loo aaneeyay Abaarta ka jirta Gobolkaasi, taasoo laga digayo Khatarteeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM