Dadweynaha Jubaland oo kaararka aqoonsiga loo sameynayo

Image

December 12, 2014 (GO)- Maamulka Jubaland ayaa markii ugu horeysey bilaabay olole karaarka aqoonsiga loogu sameynayo dadka ku nool saddexda gobol ee maamulkaasi ka arimiyo.

Xarun loogu magac daray Xafiiska Bixinta Aqoonsiga ayaa laga furay magalada Kismaayo, waxaana lagu wargeliyey dadka inay sida ugu dhaqsaha baan kaararka ku qaataan.

Qaybaha xaruntaasi ka kooban tahay waxaa kamid ah xafiis dadka lagu wareysto si looga helo xogta looga baahan yahay. 

Shuruudaha dadka lagu xirayo waxaa kamid ah: in qof kasta la yimaado cid damiin ka ah, sawir haaf ah iyo saxiixa suulka oo marka ugu dambeysa laga qaadi doono.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland Suldaan Cabdiqaadir (Luga-Dheere) iyo wasiirka arrimaha bulshada Macallin Maxamed Ibraahim ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee la siiyo kaararka aqoonsiga.

Qorshahan ayaa hadii sida loogu talo galay uu u dhaqan galo wuxuu qayb weyn ka qaadan doonaa sugidda ammaanka iyo weliba in si fudud loo aqoonsado dadka nabadgelyada khatarta gelin kara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM