​Dagaal Culus oo ka socdo gobolka Mudug

Image

DUMAYE, Somalia- Dagaal qaraar oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo Dad Xoolo-dhaqato ah ayaa ka socdo maalintii labaad deegaanka Dumaaye, oo qiyaastii 50Km u jira degmada Xarardheere, ee koonfurta gobolka Mudug. 

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu billowday markii Al Shabaab ay shalay la wareegtay deegaanka, oo shacabka ku nool ka gadoodsanaayeen amaro lagu soo rogay oo la xiriira bixinta Xoolo ay ugu yeereen Zako. 

Malleeshiyo deegaanka laga abaabulay ayaa saakay dib u weeraray Deegaanka Dumaaye, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka fudud iyo mid culus oo khasaarooyin geestay.

Inta la xaiijiyay 12 qof ayaa ku dhimatay Dagaalka ka socdo maalintii labaad Koonfurta Mudug. 

Dhanka kale, maamulka Galmudug oo wado abaabul ciidan, kawada magaalooyinka Galkacyo, Cadaado iyo Hobyo si  ay ugu Gurmado Shacabka la dagaalamaya Al-shabaab. 

Al Shabaab kama aysan hadlin dagaalka Dumaaye. Kooxda Al shabaab ayaa inta badan si khasab ah uga qaado Shacabka Xoolo ay ku sheegeen inay Zako yihiin, waxaana ay kala kulmaan Dadka Xoolo-dhaqatada ah Iska-caabin iyo Dagaallo. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM