Dagaal culus oo xalay duleedka magaalada Baraawe ka dhacay

Image

December 24, 2014 (GO)- Dagaal ayaa xalay duleedka degmada Baraawe ku dhex maray ciidamada dowladda iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo kooxo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Iska hor imaadka oo ahaa mid culus islamarkaana muddo saacado ah socdey wuxuu bilowday kadib markii Al-shabaab soo weerartay fariisin ciidamada huwantu ka sameysteen duleeka koonfureed ee Baraawe.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha dagaalkaasi geystey, haseyeeshee sarkaal ka tirsan guutada saddexaad ee ciidamada qalabka sida ee fadhigoodu yahay gobolka Shabeelada Hoose oo lagu magacaabo Hilowle Ciise Hagarey ayaa sheegay inay iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Khasaaraha dagaalkaasi dhaliyey mar uu ka hadlayey wuxuu sheega in dhankooda waxba soo gaarib balse kooxihii weerarka soo qaaday ay labo qof ka dileen midna ka dhaawaceen.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ciidamada dowaldda iyo kuwa AMISOM dagaalkaas ugu yaraan shan askari looga diley tiro intaas ka badanna looga dhaawacay.

Al-shabaab dhankooda weli kama soo bixin wax war ah oo ku saabsan dagaalka xalay ka dhacay duleeka degmada Baraawe.

Sanadkan 2014 kooxda Al-shabaab waxaa laga saaray badi deegaanadii ay kaga sugneyd koonfurta Soomaaliya iyadoo xilligan awoodeeda isugu geeyey gobollada Jubooyinka yiyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM