Dagaal culus oo xalay duleedka magaalada Baraawe ka dhacay

Image

December 24, 2014 (GO)- Dagaal ayaa xalay duleedka degmada Baraawe ku dhex maray ciidamada dowladda iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo kooxo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Iska hor imaadka oo ahaa mid culus islamarkaana muddo saacado ah socdey wuxuu bilowday kadib markii Al-shabaab soo weerartay fariisin ciidamada huwantu ka sameysteen duleeka koonfureed ee Baraawe.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha dagaalkaasi geystey, haseyeeshee sarkaal ka tirsan guutada saddexaad ee ciidamada qalabka sida ee fadhigoodu yahay gobolka Shabeelada Hoose oo lagu magacaabo Hilowle Ciise Hagarey ayaa sheegay inay iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Khasaaraha dagaalkaasi dhaliyey mar uu ka hadlayey wuxuu sheega in dhankooda waxba soo gaarib balse kooxihii weerarka soo qaaday ay labo qof ka dileen midna ka dhaawaceen.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ciidamada dowaldda iyo kuwa AMISOM dagaalkaas ugu yaraan shan askari looga diley tiro intaas ka badanna looga dhaawacay.

Al-shabaab dhankooda weli kama soo bixin wax war ah oo ku saabsan dagaalka xalay ka dhacay duleeka degmada Baraawe.

Sanadkan 2014 kooxda Al-shabaab waxaa laga saaray badi deegaanadii ay kaga sugneyd koonfurta Soomaaliya iyadoo xilligan awoodeeda isugu geeyey gobollada Jubooyinka yiyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM