Dagaal ka dhacay degmada Berdaale ee gobolka Bay

Image

May 26, 2015 (GO)- Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintey saddex kalena way ku dhaawacmeen dagaal ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ku dhex maray degmada Berdaale ee gobolk Bay.

Guddoomiyaha Berdaale Maxamed Isaaq ayaa u sheegay Idaacadda VOA in dagaalku bilowdey kadib markii ciidamada maamulkaasi weerareen goobo fariisin u ahaa Al-shabaab.

Isaaq ayaa sidoo kale sheegay in goobihii dagaalku ka dhacay ay xilligan si buuxda ciidamada dowladdu gacanta ugu hayaan.

Marka laga yimaado sheegashada maamulka degmada Berdaale, ma jiro wax war ah oo dagaalkaas ku saabsan oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

Gobolka Bay ayaa kamid ah gobollada Al-shabaab ku xooggan yihiin, waxaana had iyo jeer ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidamda Maamulka Koonfur Galbeed oo kaashanaya AMISOM iyo Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM