Duleedka degmada Buuhoodle oo lagu dagaalamay

Image

February 17, 2015 (GO)- Ciidamada Somaliland iyo mileeshiyo beeleed ayaa maanta ku dagaalamay tuulada Horufadhi oo qiyaastii 50km degmada Buuhoodle dhanka galbeedka kaga beegan.

Dagaalka oo bilowdey kadib markii ciidamada Somaliland weerar kedis ah kusoo qaadeen tuulada Horufadhi, waxaa ku dhaawacmay labo qof oo labada dhinac ka kala tirsanaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Somaliland ee duulaanka soo qaadey ku raad joogeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Khaatumo oo halkaas booqasho ku marayey.

Xaaladda ayaa caawa degen balse waxaa jirta  saan saan colaadeed iyo abaabul ciidan oo labada dhinac ay wadeen.

Laga soo bilabo sanadkii 2011, deegaanka Horufadhi iyo dhulka miyiga ah ee ku hareeraysan waxaa ka dhacay dagaalo  galaaftay nolosha tobanaan qof oo rayid u badnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM