Dagaal ka dhacey magaalada Kismayo oo 4 ruux ku dhimatey

Image

KISMAAYO 3 Dec, 2015 (VOA)- Iska horimaad sababay dhismashada afar qof iyo dhaawaca sadex kale, ayaa maanta ka dhacaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Saddex ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa dad rayid ah, waxaana dadka dhintay ku jira dad barakacayaal ah oo ku noolaa xerada dalxiiska ee magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu ka dhacay Iska horimaadka.

Iska horimaadkaan ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan booliska magaalada Kismaayo ay weerar ku qaadeen Boos uu muran xoogan ka taagnaa, kaasoo ay xillligaasi ku sugnaayeen ciidamo kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Masuulyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan iska horimaadka, waxayna sheegeen in ay tahay mid fudud oo lagu jiro sidii loo xallin lahaa.

Magaalada Kismaayo ayaa inta badan waxaa ka dhaca iska horimaadyada noocaan ah, kuwaasoo salka ku haya isqab qabsiga la xidhiidha lahaanshaha dhulalka.

VOA

 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM