Dagaal ka dhacey magaalada Kismayo oo 4 ruux ku dhimatey

Image

KISMAAYO 3 Dec, 2015 (VOA)- Iska horimaad sababay dhismashada afar qof iyo dhaawaca sadex kale, ayaa maanta ka dhacaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Saddex ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa dad rayid ah, waxaana dadka dhintay ku jira dad barakacayaal ah oo ku noolaa xerada dalxiiska ee magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu ka dhacay Iska horimaadka.

Iska horimaadkaan ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan booliska magaalada Kismaayo ay weerar ku qaadeen Boos uu muran xoogan ka taagnaa, kaasoo ay xillligaasi ku sugnaayeen ciidamo kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Masuulyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan iska horimaadka, waxayna sheegeen in ay tahay mid fudud oo lagu jiro sidii loo xallin lahaa.

Magaalada Kismaayo ayaa inta badan waxaa ka dhaca iska horimaadyada noocaan ah, kuwaasoo salka ku haya isqab qabsiga la xidhiidha lahaanshaha dhulalka.

VOA

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM