Dagaal ka socda Makhaayad ku taal xeebta Liido

Image

MUQDISHU- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax ka dhacey makhaayad ku taal xeebta Lido oo la yiraahdo Lido SEA FOOD kaasoo loo adeegsadey gaari waxyaalaha qarxa sidey.

Qaraxaan lala beegsadey makhaayadaan kadib ayaa wararku sheegayaan in rag gaaraya 5 qof oo ku hubeysa qoryaha fudud iyo bambooyinka gacanta dhinaca xeebta kasoo galeen kadibna bilaabeen in rasaas ku furaan dadweynaha halkaas ku sugnaa.

Makhayadaan ku yaala xeebta Lido ayaa waxaa booqda siyaasiyiin, saraakisha dowlada iyo qurbo joogta.

Waxaa qaraxaan ku dhaawacmey sida wararka soo gaaraya Garowe Online sheegayaan wariyaha BBC-da laanta af-Somaliga u fadhiyey magaalada muqdishu Macalimuu.

Kala soco Garowe Online wararka la xiriira waraka dambe.

Related Articles

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM