​Dagaal kasocda Baladweyne

Image

BALADWEYNE- Dagaal xooggan ayaa ka bilowday xaafad kamid ah magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, waxaana la isu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo iska hor imaadkaasi u dhaxeeyo mallayshiyaad kala taabacsan beelo magalada wada dagan.

Majirto khasaaro rasmi ah oo dagaalkaasi laga ogaaday, balse ilo ka agdhow goobaha dagaalku ka socdo ayaa sheegaya inuu jiro khasaare labada dhinac kala gaaray iyadoo hakad ku yimi isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa guud ahaan magalada, waxuuna saameeyay ganacsiga Baladweyne iyo dhaq-dhaqaaqa, gaar ahaan xaafadda Galbeedka dhacda.

Majirto cid kala dhexgashay labada beelood ee dagaallamaya, balse waxaa socota waan-waan nabadeed oo waxgaradku doonayaan in xiisadda lagu qaboojinayo.

Ilaa hadda ma cadda sababta iska hor-imaadkaan dhalisay, balse waxaa loo badinayaa inay qayb ka tahay muran muddooyinkii dambe ka dhex taagnaa labadaasi beelood.

Dhawaan ayay ahayd markii dagaal beeleed ka dhacay magalada Baladweyn xarunta gobolka Hiiraan ku dhinteen ku dhawaad 20 ruux islamarkaana lagu dhaawacay tiro intaasi kabadan.

Waxaa dhawr jeer oo hore fashilmay dadaalo ay wadeen duub dhaqameedka Hiiraan, kuwaasi oo u suura gali weyday inay qanciyaan beelaha degmadaasi ku dagaallamaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM