​Dagaal kasocda degmada Buuhoodle

Image

GAROWE, Puntland- Dagaal u dhaxaeeya Mallayshiyaad kala taabacsan beelo walaalo ah oo dega gobolka Cayn ayaa iminka kasoconaya duleedka degmada Buuhoodle ee xarunta gobolkaas.

Wararka uu helayo Garowe Online, ayaa sheegaya in isku dhaca labada dhinac uu bilowday barqankii maanta isagoo ilaa hadda ka soconay deegaan lagu magacaabo Quraca Buuhoodle oo magaalada u jira Qiyaastii Saddex KM.

Dagaalkan ayaa salka ku haya aanooyin Qabiil iyo is faham waa ka dhashay shakhsi dhawaan lagu dilay gobolkaas.

Ilaa hadda lama hayo khasaaraha rasmiga ah, balse warar lagu kalsoonaan karo oo soo gaaray Garowe Online, ayaa sheegay inay dhinteen ilaa 6 ruux oo ka kala tirsan dhinacyada dagaallamaya.

Dagaalka ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay maamullada isku haysta talada degmada Buuhoodle, balse goorsii horaysay hogaamiyaha Khaatumo Cali Gallayr ayaa ugu baaqay labada dhinac inay colaadda joojiyaan.

Dhanka kale qaar kamid ah cuqaasha beelaha dega gobolka Cayn ayaa ku howllan sidii loo qaboojin lahaa dagaalka beelaha, waxaana jira gurmadyo nabadeed oo ku baxa degmada Buuhoodle.

Xaaladda magaalada ayaa kacsan waxaa laga dareemayaa jawi dagaal iyadoo labada beelood ay gaarayaan gurmadyo ciidan oo kala taabacsan mallayshiyaadka diriraya.

Dhowr jeer oo hore waxaa gobolka ku dagaallamay qaar kamid ah beelaha dega Sool, kuwaasoo intoobada dhexmarto aanooyin qabiil.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM