​Dagaal kasocda degmada Buuhoodle

Image

GAROWE, Puntland- Dagaal u dhaxaeeya Mallayshiyaad kala taabacsan beelo walaalo ah oo dega gobolka Cayn ayaa iminka kasoconaya duleedka degmada Buuhoodle ee xarunta gobolkaas.

Wararka uu helayo Garowe Online, ayaa sheegaya in isku dhaca labada dhinac uu bilowday barqankii maanta isagoo ilaa hadda ka soconay deegaan lagu magacaabo Quraca Buuhoodle oo magaalada u jira Qiyaastii Saddex KM.

Dagaalkan ayaa salka ku haya aanooyin Qabiil iyo is faham waa ka dhashay shakhsi dhawaan lagu dilay gobolkaas.

Ilaa hadda lama hayo khasaaraha rasmiga ah, balse warar lagu kalsoonaan karo oo soo gaaray Garowe Online, ayaa sheegay inay dhinteen ilaa 6 ruux oo ka kala tirsan dhinacyada dagaallamaya.

Dagaalka ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay maamullada isku haysta talada degmada Buuhoodle, balse goorsii horaysay hogaamiyaha Khaatumo Cali Gallayr ayaa ugu baaqay labada dhinac inay colaadda joojiyaan.

Dhanka kale qaar kamid ah cuqaasha beelaha dega gobolka Cayn ayaa ku howllan sidii loo qaboojin lahaa dagaalka beelaha, waxaana jira gurmadyo nabadeed oo ku baxa degmada Buuhoodle.

Xaaladda magaalada ayaa kacsan waxaa laga dareemayaa jawi dagaal iyadoo labada beelood ay gaarayaan gurmadyo ciidan oo kala taabacsan mallayshiyaadka diriraya.

Dhowr jeer oo hore waxaa gobolka ku dagaallamay qaar kamid ah beelaha dega Sool, kuwaasoo intoobada dhexmarto aanooyin qabiil.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Itoobiyaan Lagu Eedeeyay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab oo Maxkamad lasoo taagey

Xeer-ilaalinta ayaa maxkamadda u sheegtay in eedeymaha loo haysto ay la xiriiraan ka qaybgal dagaallo.

  • Soomaliya

    31-05-2026

  • 02:25PM

Dhex-dhexaadin siyaasadeed oo xal loogu raadinayo Khilaafka Galmudug iyo Villa Somalia

Si kastaba ha ahaatee, xogaha ayaa sheegaya in kulamadii Dhuusamareeb ay ku soo dhammaadeen natiijo la’aan.

  • Soomaliya

    31-05-2026

  • 06:38AM